|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay Bam gacmeed ku tuuray goob ku tala Isgoyska Siinaay ee Magalada Mqdisho,halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad aad u farabadan.
Goobta Qaraxa Bam uu ka dhacay ayaa waxaa ay aheyd goob maqaaxi ah oo ay dadka si aad ah u buuxeen, iyada oo aan la ogeyn sababta ka dambeysay in kooxahaani Qarax la beegsadaan goo boo sidaasi dad ubuuxo.
Inta la ogyahay 10-ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, kuwaasi oo u badnaa dadcaadi ah, isla markaana goobtaasi isaga fiidsanayay.
Dadka Qaraxaasi ku dhawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa nin si weyn looga yaqaanay Isgoyska Siinaay, kaasi oo lagu Magacaabo Sheekh Ibraahin Xeyle, isla markaana goob Ganacsi ku lahaa Isgoyska.
Dadkii ku dhawacmay qaraxaasi ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Keysaneey ee duleenka Magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo waramayaa in dadkaasi dhaawaca ah qaarkood xaaladoodu ay aad u liidato.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa saaka ah mid dagan, balse dadka deegaanka ayaa inta badan waxaa ay ka shekeysanayaan waxyaabaha dhaliyaya in Qarax lala beegsado goob dad rayid ah ku sugan yihiin.
Si kastaba arintu ha ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caadi ka noqodey Qaraxyada inta badan ka dhaca goobaha dadka rayidka ah ku sugan yihiin, kaasi oo keena khasaare soo gaara dadka rayid ah oo aan waxba galabsan.
|